Waxanu kaa caawinaynaa in aad hesho waddadii shaqo rasmi ah lagu gaari lahaa- sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagal ah. Eductus waa hawlwadeen weyn oo xilkas ah oo dadka ka caawiya in ay helaan shaqo iyo waxbarasho. Waxa aanu jirnay 20 sano, waxananu ka jirnaa wax ka badan 50 degmo oo Iswiidhan ku yaal.
Ma ku cusubtahay Iswiidhan?
Dooro Eductus haddii aad rabto in aad hesho dal la qabsasho ku siinaysa taageero aqoon ku dhisan si aad u hesho shaqo ama waxbarasho.
Waxa aanu ka bilaabaynaa in aanu fiirinno waxa aad waddankaagii kala timid ee waayo-aragnimo ah. Dabadeed waxa aanu go´aaminaynaa waxa aad u baahantahay in aad dhammaystirato. Laga yaabee in waxad u baahantahay yahay barashada afka Iswiidhishka. Laga yaabee in aad u baahantahay in waayo-aragnimadaada xirfadeed la qiimeeyo si aad aqoonsi ugu hesho. Ama waxa laga yaabaa in aad u baahantahay in aad dhammaystirato waxbarashadaada.
Waxa aanu haynaa heerar waxbarasho oo cid kasta ku habboon, hadday yihiin jaamiciyiin, qaar waxbarashadoodu hoosayso iyo kuwa aan waxba akhrin karin, waxna qori karin.
Ma muddo dheer ayaad Iswiidhan joogtay?
Waxa aanu xiriir la leenahay shaqo-bixiyeyaal fara badan oo waanu ku caawin karnaa ama shaqo-laawe ahow ama qof jirro ku qoran ahowe. Waxa aanu bixin karnaa, tababar shaqo, dib ugu celinta noloshii caadiga ahayd, af-iswiidhish xirfadeed iyo arrimo kale.
Ku soo dhawoow Iswiidhan! »